Wararka

Maxaa ka socda caasimada dalka Jabuuti xili madaxda ugu sarayso dalka uu shir ugu socda halkaasi.

Wafuud ka kala socota Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maanta gaaray magaalada DJabuuti ee caasimada Jamhuuriyada Jabuuti oo uu maanta wadahadala ugu furmaayo labada dhinac.

Masuuliyiinta ka socota dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeeyo Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Sooomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiir K/Xigeenka Dastuurka Xildhibaan Xuseen Cabdi Cilmi, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Dhanka kale wafuuda ka socota maamulka Somaliland waxaa kamid ah madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi, guddoomiyaha golaha guurtida, Afar wasiir iyo Edna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga gaarka ah wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada qaranka ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka goa’ntahay in xal waara laga gaaro tabashooyinka ay qabaan shacabka daga gobolka Waqooyi lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida”. Ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Villa Somalia.

Safarkaan oo horay loo shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka qayb gali doonaan masuuliyiin ka socota dowladaha gobolka, hay’addaha caalamiga, masuuliyiin ka socota beesha caalamka iyo madaxda ugu sarayso Hay’adda Qaramada Midooobe.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa qayb ka ah kulanka ay laba dhinac iskugu imanayaan waxaa uuna horay u marti qaaday madaxweynaha dowlada Soomaaliya iyo madaxweynaha mamulka Somaliland oo Caasimada Adis Ababa ku yeeshay kulankoodi ugu horeeyay.

Hadda ayaa waxaa socda kulanka la filaayo In ay ka soo baxaan qodoba ay shacabka Soomaaliya ku soo dhaweeyaan halkaan ayaana idin kula socodsiin doonaa wixii ka soo baxa kulankaasi.Image may contain: one or more people, people standing, people walking, shoes and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and suitImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: one or more people, people standing, suit and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close