Wararka

(DAAWO): Faahfaagin dheerad ah oo kasoo baxday qaraxii maanta ka dhacay caasimada Muqdisho.

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxayso qarax maanta ka dhacay wadada Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho  halkaasi oo ay israsaaseen dhexmartay ciidmada Amniga iyo dableyda weerarka soo qaaday.

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaas waxaa uuna dhaawac soo gaaray ilaa afar ruux waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu noociisu ahaa Nooha kaas oo doonaayay in uu goobta barista xoog ku maro kadib markii ay joojiyeen ciidanka Amniga ee kusugnaa isgooyska Ex Koontarool Afgooye oo ah goob mashquul badan sidoo kalena ah meesha ay gawaarida ka imaado gobolada ay kasoo galaan caasimada dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga gobolka Banadir, Maxamed Cabdullahi Mohamed Tuulah ayaa ka warbixiyay khasaaraha qaraxaasi iyo sida ay ciidamada Amnigu ku fashiliyeen weerarkaasi.

Hoos ka dhaawo faahfaahinta qaraxa:

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close