Wararka

Guddoomiyaha golaha wakiilada KGS oo u tacsiyeeyay Marxuum Aamiin Barawaani.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboledka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga qeyb galey Aas qaran loo sameyay Marxuum Maalaq Aamiin.

Marxuumka ayaa shalay ku geeriyooday caasimada Mugdisho waxaana maydkiisa lageeyay magaalada Baydhabo, Marxuun Aamiin Barawaani ayaa ka mid ah odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa marxuumka loogu sameyay Aas qaran isagoona Lagu Aasey Duleedka Magaalada , Waxaana Aaska Marxuum Aamiin Barawaani ka qeyb galey Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Gollaha wakiilada KG, Wasiiro, Xildhibaano , qeybaha Kala duwan Ee Saraakiisha Ciidamada , Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ,iyo Ururada Bulshada Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close