Wararka

Xidiga weyn ee katirsan shirkada filimada Bollywood-ka ee dalka Hindiya oo laga helay xanuunka covid-9.

Amitabh Bachchan, oo ah mid ka mid ah atoorayaasha filimada caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya oo Soomaalidana ay u taqaano Cali dheere ayaa laga helay xanuunka covid-19, Amitabh ayaa sidaasi ku xaqiijiyay twiterkiisa.

‘’waxaa la’iga helay covid-19, waxana la’I dhigay isbitaalka, isbitaalka waxa uu madaxda , qoyskeeyga iyo hawlwadeenadeyda fareen in ay baritaano maraan natiijada ayaa la sugayaa”. Ayuu bartiisa twiterka ku soo qoray.

Wiilkiisa Abhishek, ayaa mardambe bartiisa ku soo qoray isna in laga helay xanuunka.

Bachchan, oo ah 77 jir ayaa waxa atoore ka ahaa ku dhaqaad 200 oo film tan iyo markii uu noqday xidig ka tirsan shirkada filimada Bollywood-ka ee Dalkaasi Hindiya 50 sano ka hor.

Isaga iyo inankiisa Abhishek oo ah 44 jir ayaa loo dhigay cusbitaka Nanavati oo ku yaala magaalada Mumbai ee dalkaasi Hindiya, inankiisa ayaa waxa uu tilmaamay labadooda in calaamada xunuunkooda uusan darnayn, masuul ka tirsan cusbitaalka kaas ayaa waxa uu u sheegay warbaahinta Indian Express newspaper in Amitibh xaaladiisa ay daganayd.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close