Wararka

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed oo cadeeyay in musuq lagu helay Masuuliyiin ka tirsan XFS.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr.Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa shaaciyey  in caddeymo lagu hayo Masuuliyiin u xiran falal Musuq-maasuq  ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in xafiiska dhowaanahaan uu gacanta ku hayey kiisas la xariira eedeymo loo soo jeediyey masuuliyiin ka tirsan wasarada caafimaadka XFS eedey Waxaa uuna sheegay in ay uheeleen cadeymo dhameystiran islamarkaana kiiska uu lugta la galay wasarada kale oo ka tirsan xukuumada fadaraalka Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheeciyey in umada Soomaaliyeed ay u cadeynaayaan dhamaan eedeysanayaasha ay uxireen kiiskani in ay umareen hab sharciga waafaqsan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr.Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa tilmaamay in xafiiska ay sameyeen baaritaano qoto dheer oo la xariira arinkani islamarkaana dhowaan ay horkeeni doonan laamaha cadaalada dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Oo sheegay in cadeymo ay ku heleen masuuliyiin ka tirsan XFS oo uxiran arimo la xariira musuq maasuq

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Oo sheegay in cadeymo ay ku heleen masuuliyiin ka tirsan XFS oo uxiran arimo la xariira musuq maasuq Adam Ali Ahmed

Posted by TUSMO TV on Saturday, 16 May 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close