Wararka

Wasirka Cadaalada oo wacad ku maray in cadaalada la marin doona askari ilaaladiisa ka tirsanaa oo dil gaystay.

Wasiirka Cadaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya Abuukaate, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inuu cadaaladda marayo Askari ka tirsan ilaaladiisa oo Magaalada Muqdisho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo Xafiiska xeer ilaalinta oo uu ka tirsanaa marxuum , Maxamed Cabdulqaadir Cilmi oo ku baxay Gacanta Askari ilaala u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

“Askariga waa lasoo qabtay wuxuu ku jiraa gacanta Dowladda , haddana waxaa lagu wadaa baaritaan, waxaana la horgeyn doonaa caddaaladda”,ayuu yiri Wasiirku.

Abukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada qalabka sida in ay ka digtoonaadaan Hubka Gacantooda ku jira inay ku dhibaateeyaan Dad rayad ah oo aan waxba galabsan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close