Wararka

Magaalada Baydhabo oo laga daahfuray Shirka Wadatashiga Qorista Qorshaha Horumarinta koonfur galbeed Soomaliya.

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka KGS ka furmay Shirka Wadatashiga Qorista Qorshaha Horumarinta koonfur galbeed Soomaliya kaas oo ujeedkiisu yahay Sidii Deeganada Kgs loogu koor gali lahaa xaladaha Baahi ee ka jira iyo horumada la sameyay iyo caqabadaha ku hordadban Horumarka Kgs.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galey Qar ka mid ah Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka KGS , iyo Agaasimiyaasha Guud ee wasaradaha . Waxana kullanka soo qaban qaabisey wasaradda qorsheynta Dowlad Goboleedka KGS.

Wasiirka wasaradda qorsheynta Dowlad Goboleedka KGS Ahmed Madoobe Nuunow oo shirka Guddominaayay ayaa ugu horeen shirka Daha Furey wuxuuna ka warbixiyay Ujeedada shirka iyo qorshaha Horumarinta KGs.

Dhinac Kale Qaar ka Mid ah wasiirada Dowlad Goboleedka KGS oo Shirka Ka hadley ayaa Wasaarad Kasta aad usoo dhaweysay sidii loo qori lahaa qorshaha Horumarinta koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoona wasarad Waliba ay Ballan qaadey in ay soo gudbin doonto qorshe waliba ay ku shaqeyneyso Wasaradda.

Wasiirka wasaradda qorsheynta Dowlad Goboleedka KGS ayaa sidoo kale Wasiiradaha Ku booriyay in ay soo gudbiyaan Qorshiyaasha ay ku shaqeyneyaan si loo helo Dukuminti wanaagsan ee ka turjumeya Horumarka Kg see shanta sanno ee soo socota.Image may contain: 1 personImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoorNo photo description available.Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close