Wararka

Wasiiro dowlada yaal ka tirsan XFS oo maanta kormeeray Iskuulka Bartamaha.

wasiiru dowlaha Wasaradda Waxabarashada ahna kusimaha wasiirka iyo Kusimaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya ahna wasiir kuxigeen, ayaa maanta si wada jir ah u kormeerey Iskuulka Bartamaha, halkaasi oo laga hirgeliyay mashruuc laxiriira biyo nadiif ah oo loogu talagalay in ay cabaan ardayda,si caafimaadkooda loo ilaaliyo.

Cismaan LIbaax Ibraahim Kusimaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya ahna wasiir kuxigeen ayaa ka Hadley fulinta qorshani iyo muhiimadiisa, wuxuuna sheegay in ay la xiriirto maalinta caalamiga ah ee biyaha adduunka oo dhawaan la xusay,isagoo intaasi ku daray in ay u garteen iskuulkani maadaama uu kamid yahaya iskuulada sida lacag la’aanta ah wax loogu baro ardayda.

wasiiru dowlaha Wasaradda Waxabarashada ahna kusimaha wasiirka Maxamuud Cabdule Jaabiri ayaa ka hadlay kaalinta wasaradada kaga aadan garab istaaga ardaydaasi,wasiiru dowlaha ayaa sheegay in ay rajeynayaan sidii dhaman iskuulaadka ay maamusho dowladda Somaaliya ay u heli lahaayeen adeego aas aasi ah sida biyo nadiif ah oo caafimaadka ardayda u wanaagsan.

Mas’uuliyiinta oo warbixino ka dhageystay maamulka iskuulkasi, ayaa balanqaaday in ay garab istaagi doonaan intii karaankooda ah.

ardayda oo safuuf dhadheer soo gashay xiligaasi ayaa cabayaya biyahaasi nadiifka ah oo caafimaad ahaan wanagsan.

Intii ay ku sugnaayeen waxaa ay mas’uuliyiintani koob abaalmarin ah guddoonsiyeen koox kamid ah koxho kubadda cagta ah oo ay leeyihiin ardaydaasi oo ka guuleystay koox kale oo ay la dheeleen.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close