Wararka

Wasiirkii hore ee Warfaafinta dowladii Kumeel Gaarka aheed Abdulkadir Jaahweyn oo ka hadlay Dagalada ka socda Galmudug.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta dowladii Kumeel Gaarka aheed ahna Musharax Golaha aqalka Sare Abdulkadir Hussein Mohamed Jaahweyn ayaa ka hadlay gulufta colaadeed ee ay dowlad goboleedka Galmudug kula jirta Al-shabaab waxaa uuna booriyay dadaalada uu maamulka Galmudug ku doonaayo in uu Al-shabaab kaga xoreeyo deeganada ay kaga sugan yihiin dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan Bogaadinayaa Gulufka Dagaal Ee Ciidamada Qaranka Iyo Kuwa Galmudug Ay Maalmahan Wadaan Iyadoo Guulo La Muhiiim ah Ay Ka Gaadheen Nabad Diidka Alshabaab” ayuu yiri Abdulkadir Jaahweyn.

Musharaxa oo hadalkiisa sii wato ayaa intaas ku daray in taarikhda ay xusi doonta halganka ay ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa xogga dalka ay kula jiraan Al-shabaab waxaa uuna yiri “Taariikhda Ayaa Idin Xusi doonta sida aad ugu heelantihiin inaad dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug Cadowga ka xoraysaan Alle Ha Idinla Garab Galo”.

Hadalka musharax Aqalka sare Abdulkadir Jaahweyn ayaa ku soo aadayo xili maanta dagaal dhex maray ciidamada qalabka sida iyo Al-shabaab uu ka dhacay aagga Qaycad.

Sawir lagu baahiyay bogga Facebook-ga ee wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug.
Sawir lagu baahiyay bogga Facebook-ga ee wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug.

Dagaalka maanta ayaa waxaa Qayb ka ahaa diyaarahada duqaynta geysta ee Ciidamada maraykanka oo gantaal la helay fariisinka qaar ka mid ah amiirada sare ee kooxda Shabaab sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda Amniga gudaha Galmudug.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda Amniga gudaha Galmudug ayaa sidoo kale lagu sheegay in gantaaladaasi lagu dilay 50 ka mid ah madaxda Al-shabaab halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 80.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close