Wararka

Wasiirka waxbarashada XFS Cabdulahi Goodax Barre oo maanta garay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasoo uga qeyb galayo shirka wadatashiga ee wasaaraddaha waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhameystiran.

Shirkaan waxaa marti galiyay madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed Soomaaliya asagoo ku casuumaya dhamaan wasaaradaddah maamul goboleedyada dalka.

“Maanta waxaan soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo aan uga qeyb gali doono shirka wadatashiga ee u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada dalka, shirkan ayaa diirada ku saari doonaa horumarinta waxbarashada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhameystiran.”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Cabdulahi Goodax Barre.

“Waxaan si gaar ah ugu mahad celinaa madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed iyo soo dhaweyntii iyo marti galintii shirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa wasaaraddaha maamul gobaleedyada dalka”ayuu intaasi ku daray.

Shirkan ka furmay magaalada Baydhabo ayaa socon doona muddo afar maalmood ah kaasoo lagu gorfeyn doono arrimaha waxbarashada dalka.Image may contain: 2 people, train, sky and outdoorImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: 3 people, people standing, beard, sky and outdoorImage may contain: 1 person, smiling, sitting, standing and indoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close