Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo ka warbixiyay halka ay marayso qaybinta buugaagta manhajka waxbarashada Qaranka.

Wasaaradda Waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa soo gaba-gabaysay qaybinta buugaagta manhajka waxbarashada Qaranka kuwaas oo si lacag la’aan ah lagu gaarsiinaayo ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarato dugsiyada Dowlada maamusha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre ayaa ka warbixiyay sida ay u socota qaybinta buugaagta manhajka waxbarashada Qaranka waxaa uuna sheegay in ay gaarsiiyeen 436 dugsi oo isugu jira dugsiyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee kuyaalla gobolka Banaadir.

“Waxaa farxad weyn inoo ah in maanta soo gaba-gabeynay qeybinta buugaagta manhajka waxbarashada Qaranka oo aan si lacag la’aan ah u gaarsiinnay 436 dugsi oo isugu jira dugsiyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee kuyaalla gobolka Banaadir” ayuu yiri Wasiir Godax.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in wasaaradda ay ka daahfurtay qeybinta buugaagta manhajka magaalada Dhuusamareeb si loo gaarsiiyo ardayda wax kabarata deegaanada Galmudug isagoo dhanka kale balan qaaday in qaybinta buugagta ay gaarsiin doonaan gobollada harsan si arday walba oo wax kabarta gobollada dalka uu u helo buugaagta manhajka waxbarashada Qaranka si lacag la’aan ah.Image may contain: 1 personImage may contain: 3 people, people smiling, outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close