Wararka

Wasiirka waxabarashada oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jaamacadda qadar.

Wasiirka wasaaradda waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulan kula qatay dalka qadar Madaxweynaha Jaamacadda qadar Dr. Hassan Al-Derham. Waxa ayna ka wada hadaleen in Jaamacadda Qatar xarun ay ka furato Soomaaliya iyo in heshiis wada shaqeyneed ay la galaan Jaamacadaha dalka ku yaala Ayada oo la tixraacayo heshiiskii dhawaan ay ku kala saxiixdeen magaalada Paris ee dalka France.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in dhammaan Qodabadaas ay isku Fahmeen.

“Waxaan maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jaamacadda Dr. Hassan Al-Derham. Waxaan ka wada hadalnay in Jaamacadda Qatar xarun ay ka furato Soomaaliya iyo in heshiis wada shaqeyneed ay la galaan Jaamacadaha dalka ku yaala, iyadoo la tixraacayo heshiiskii dhawaan aan ku kala saxiixannay magaalada Paris ee dalka France Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka Qatar. Waan isku fahannay qodobada kor ku xusan, isla markaana uu aad u soo dhaweeyay arrinkaas” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.Image may contain: 2 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close