Wararka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Jabuut ayaa lagu wadaa in uu tago magaaladda baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan

Cali Xasan Bahdoon Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Jabuuti oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha Jabuuti ee dhawaan soo gaaray Magalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu tago magaaladda baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Wasiirka ayaa shalay isaga haray wafdiga Madaxweyne Geelle ee dib ugu laabtay Jabuuti,waxaana la filayaa in uu Maanta tago Magalada Baladweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti ee Howlgalka AMISOM.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qorshuhu ahaa in uu tago Magalada Baladweyne,balse uu ka baaqday,waxaana Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Jabuuti uu booqan doonaa Xerooyinka ay Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Baladweyne,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in uu sidoo kale tegi doono Magaalooyinka Buulo burde iyo Jalalaqsi ee Gobolkaasi Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato,isaga oo kala hadli doona xaalada ay ku sugan yihiin iyo halka uu marayo howlgalka ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka socda dowladda Jabuuti ee Hiil-Walaal,kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Gudaha Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close