Wararka

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo kulan la qaatay Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Kulan  dhexmaray wasaaradd arrimaha gudaha xukuumadda faderaalka soomaaliya iyo danjirayaasha  midowga yurub  u qaabilsan soomaaliya ayaa looga hadlaya siyaasadda dhab uheshiisiinta oo dhowaan golaha wasiiradu ay ansixiyeen.

Safiiradda midowga Yurub u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay siyaasadda dhab u heshiisiinta qaran oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Faderaal iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda soomaaliya cabdi maxamed sabriye ayaa warbaahinta ugu warbixiyay qodobadii ugu muhiimsanaa ee kulanka;

“Waxaaan la kulanay Safiirada Midowga Yurub oo aan u balansaneen in Siyaasadda Dhab-u-heshiisiinta Qaran oo Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen aadna loogu bogaadiyay Kooxdii ka shaqeyneysay iyo Wasaaradda iyo Xukuumadda ujeedkeena waxa uu ahaa in ay nala arkaan Siyaasaddaas oo soo gabagabowday in ay nala arkaan waxayna balan-qaadeen in ay qeyb lexaadleh ka qaateen hergalinteeda “ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha oo Warbaahinta la hadlay markii uu kulanka soo dhamaaday.

Wasiirka ayaa sidoo kale kala hadlay Sidii loo dadajin lahaa Mashaariicda Horumarinteed ee Midowga yurub ay ka fulinayaan Dowlad Gobaleedyada Dalka si Dadka deegaanka Mashaariicdaas ay ugu faa’iideystaan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close