Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Abwaan Xudeydi.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumada federaalka Soomaaliya oo ku hadlaya magaca Dawladda Federaalka ayaa tacsi u diray qoyskii, Ehelkii, Hobolada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay AUN Abwaan Xudeydi.

Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Wasiir Mohamed Cabdi Xayir Maareye ayaa Ebo ugu baryay Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” in uu Janadiisa ugu deeqo.

Marxuumka oo kamid ah dadka fara-ku-tiris ah ee sugaanta Soomaalida qayb lixaad leh ka qaatay ayaa waxaa la sheegay in uu fanka kusoo biiray isagoo ku soo galay da’da 18 sanno jir, kana bilaabay magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Allah u naxariistee Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” ayaa ku dhashay Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, 1928-kii.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close