Wararka

Wasiirka warfaafinta iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo dalka Talyaniga shir kaga qayb galaayo.

Wafdigii uu hoggaaminayay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa gaaray magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga waxaa ayna halkaasi kaga qayb gali doonaan shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska.

Shirkaan ayaa waxaa  martigelinayso dowladda Talyaaniga waxaa uuna socon doonaa  muddo labo maalmood ah iyadoo wafdiga wasiirka ay kusoo bandhigi doonaan fursadaha dhinaca ganacsiga Dalxiiska ee Soomaaliya kajira, sidoo kale wasiirka iyo wafdigiisa ayaa lafilayaa in ay kulmo gooni gooni ah la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close