Wararka

Wasiirka Shaqada dowlada Soomaaliya oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Dhaqaalaha dalka Jarmalka.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa Magaalada Bonn ee dalka Jarmalka kullan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka oo u hoggaaminayay Madaxa Bariga Africa ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka,Niels Breyer.

Wasiir Sadiiq Warfaa iyo mas’uuliyiintii uu la kulmay  ka wada-hadlay sidii  Jarmalka uu uga caawin lahaa Soomaaliya dib u howlgallinta iskuulladii farsamada gacanta iyo  machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha, wasiirka ayaa sidoo kale masuuliyiinta kala hadlay shaqa abuur loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay shaqa la’aanta balaaran hayso.

” Waxaan mas’uuliyiinta Jarmalka u sheegnay dadaallada socda iyo sida ay noogu go’antahay dhallinyarada inay shaqooyin helaan, waxaan u bandhiggay inay gacan naga siiyaan dugsiyada farsamada sidii dib loogu howlgalin lahaa arrinta oo Jarmalku uu horay uga caawin jiray Soomaaliya.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

” Waxaa kalo aan u sheegnay shaqo abuurka inay u baahantahay shaqaalo xirfad leh si taas loo gaarana inay gacan naga siiyaan dib u howlgalinta machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha.” ayuu ku daray.

Madaxa Bariga Africa ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Federaalka Jarmalka,Niels Breyer ayaa soo dhaweeyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta bulshada, waxaa uuna balan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowlada Soomaaliya.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close