Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wakiilka Dowladda Norway ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Dowladda Norway ee Soomaaliya Vebjorn Heines, waxayna ka wada hadleen horumarka dhinaca dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo dib u habeynta hey’adaha Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahad celiyay Dowladda Norway Taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya si looga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in ay cadahay horumarka Soomaaliya ay ka sameynayso dib u habeynta hey’adaheeda Dhaqaalaha si loga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Dhawaan ayay aheed markii ay dowlada Norway ugu deeqday Soomaaliya dhaqaale deynta looga cafinaayo iyadoo shalay Shir deg deg ay isugu yimaadeen Golaha wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaas oo ay ku meel mariyeen heshiiska kaalmo dhaqaale oo dowladda Norway.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close