Wararka

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xilka la wareegay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta, si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasiirkii hore, Danjire Axmed Ciise Cawad, kadib xaflad lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, danjireyeyaal iyo diblomaasiyiin.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble fursadda ay u siiyeen inuu hoggaamiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo carabaabay rajada uu ka qabo inuu guulo waa weyn ka gaaro geedi socodkiisa uu ugu adeegayo si daacadnimo leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirkii hore Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa wasiirka cusub Ebba ugu baryay in uu u fududeeyo shaqada loo igmaday.Image may contain: 3 people, indoorImage may contain: 4 people, people standing, suit and weddingImage may contain: 2 people, textImage may contain: 19 people, people standing, wedding, child and indoorImage may contain: 2 people, suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close