Wararka

Xildhibaanno deegaan doorashadoodu tahay Puntland oo kulan la qaatay Wasiirka wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumdda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaan maanta xafiiskiisa kullan kula qaatay Xildhibaabada ka soo jeeda deegaanada puntland.

Kullanka ayaa intii uu socday looga hadlay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo sidii wadajir leesga kaashan lahaa horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in qodabadii looga hadlay kullanka leesku afgartay.

“Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland. Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya.”ayuu yiri Wasiirka waxbarashada Soomaaliya.Image may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting and indoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close