Wararka

Wasiir ku Xigeenka Beeraha oo warbixin ka dhagaystay ergada Joogtada Soomaaliya u Fadhida Iskaashiga Ururka Islaamka.

Wasiir ku Xigeenka Beeraha iyo Waraabka Dawladda Federaalka ee Somaaliya, Xamuud Cali Xassan ayaa Booqasha ku tagay  Xarunta Ergeda Joogtada Soomaaliya u Fadhida Iskaashiga Ururka Islaamka ee magaalada Jiddah.

Wasiir ku Xigeenka Beeraha ayaa markii uu xarunta tagay waxaa halkaasi kusoo dhaweyay sii hayaha ahna ergayga ergada joogtada ah ee Soomaaliya u Fadhida Iskaashiga Ururka Islaamka Cabdirahmaan Cusmaan Cilmi iyo masuuliyiin kale.

Xamuud Cali Xassan, Wasiir ku Xigeenka Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa ugu horeyn waxaa uu saxiixay Buugga booqashooyinka Martida isagoo islamarkaana warbixin ku aadan waxqabadka ergada Joogtada Soomaaliya u Fadhida Iskaashiga Ururka Islaamka ka dhagaystay ergayga ergada joogtada ah ee Soomaaliya u Fadhida Iskaashiga Ururka Islaamka Cabdirahmaan Cusmaan Cilmi.

Wasiir ku Xigeenka Beeraha iyo Waraabka Dawladda Federaalka ee Somaaliya ayaa ugu danbeyn u mahadceliyay dhamaan masuuliyiintii uu halkaasi kula kulmay waxaa uuna u rajeeyay in ay si wanagsan shaqadooda u gutaan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close