Wararka

Wasiir Cawid oo kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Ururka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo iskuduwidda wadajirka ah ee dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada iyo sidoo kale taageeridda dib u heshiisiinta qaran, la dagaalanka waxa loogu yeera argagaxisada, dib u dhiska dalka iyo dadaalka Xukuumadda Federaalka ee deganaansho iyo nabadgelyo ku soo dabaalidda dalka.

Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka Danjire Tarig Ali Bakheet, ayaa dowlada iyo shacabka Soomaaliya ugu mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee u sameeyeen.Image may contain: 2 people, people sitting, suit and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and suitImage may contain: 3 people, suit and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and suitImage may contain: 4 people, suit and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close