Wararka

Wasiir Beyleh oo ka warbixiyay halka ay marayso barnaamijka Deyn cafiska dalka.

Wasiir Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa bulshada u sharaxay halka uu marayo hanaanka deyn cafiska Soomaaliya oo dowladda ay ku howlantahay.

Wasiir Beyleh ayaa ugu horeen waxaa uu sharaxaad kabixiyay dowladaha iyo Bangiyada deemaha ku leh Soomaaliya iyo sidii ay deemahaasi lagu qaatay waxaa uuna sheegay in seddex koox ay deemaha ugu badan Soomaaliya ku leeyihiin kuwaas oo kala ah; WORL BANK, IMF iyo AFRICAN DEVELOPMENT BANK.

Wasiirka maagaliyadda xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hadda ay meel wanagsan u marayso hanaanka ay u waddaan Barnaamijka Deyn cafiska dalka.

Dhinaca kale,Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh waxaa uu ka warbixiyay socdaalkii uu dhawaan ku tagay dalka Maraykanka gaar ahaan caasimada Washington halkaas oo uu kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi iyo kulamadii uu la qaatay hay’addaha WorldBank, IMF iyo USTreasury waxaa uuna sheegay in ay ahaayeen kulamo mira dhal ah.

ImageImageImage

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close