Wararka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo baaq Nabadeed ka soo saartay Dagaallo ka dhacay deegaano ka kala tirsan Sh/dhexe iyo Galgaduud.

Wasaaradda arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo arrimaha Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaallo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeya dad walaalo ah oo deegaan wada daga.

Wasaaraddu waxay mas’uuliyiinta Hirshabelle, Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ugu baaqday inay si dhab ah ugu istaagaan daminta colaaddaas, waxaana ay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay colaadaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay kaalin wayn ka qaadanayso dib u heshiisiinta bulshada oo ka mid ah hawlaha ay u xilsaarantahay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close