Wararka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Puntland oo ka warbixiyay kulan uu ugu maqnaa magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland Maxamed Dhabancad oo maalmihii lasoo dhaafay safar uga maqanaa Dalka kenya oo Maanta Dib uga laabtay Puntland ayaa ka warbixyey safarkii shaqo uu ka Tagay Magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya iyo shirarkii uu kula qaatay madax ka tirsan hay’adaha iyo safaaradaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

wasiirka Arrimaha Gudaha ,Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in uu la kulmaya safiirada safaaradaha Dalalka Swezrland,Denmark,Norway,Jarmalka iyo Midowge Yurub iyo Hay’ado kale oo muhiim ah.

Maxamed Dhabancad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Puntland ayaa tilmaamay in ujeedka uu u tagay Dalka kenya ay aheyd kulan uu la lahaa safaarada Swaziland, isagoo sheegay in kulnkaasi looga hadlayey hor marinta mashaaricda Kala Duwan ee Deegaanada Puntland laga hergalinayo.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close