Wararka

Axmed Madoobe oo iska dheereeyay fashilkii ku yimid shirkii dhuusamareeb, dushana ka saray Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaaam oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay natiijo la’aanta uu ku dhammaaday shirkii maalmahan socday, waxaana mas’uuliyadda burburka ku yimid wada hadaladaas uu dusha uga tuuray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

“Madaxweynuhu wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga un baa ka talinaya, haddaba Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, annaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo annaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara ma’aha, waa Nasiib darro”ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbalaand.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu ku laabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta kmg dowlad gobaleedka Jubbaland uuna ka hadli doono siyaasadda dalka marka uu tago Kismaayo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close