Wararka

Shiinaha oo dhoola-tus Militari ka bilaabaayo aagga u dhaw Taiwan.

Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in maanta oo jimco ah ay dhoolatus Milatiri ka samayn doonta meel u dhaw Taiwan xili saraakiil sar sare oo Maraykan ah ay booqasha ku joogaan Taiwan.

Waxaa Cirka marba marka ka danbayso isku sii shareerayso xeriirka ay leeyihiin Xukuumadaha Beijing iyo Washington. Maraykanka ayaana sheegay in uu taageero dhan walba ah siin doona Taiwan.

Dowlada Shinaha ayaa Taiwan u aqoonsan gobol gooni u goosad ah, balse Taiwan ayaa sheegtay in ay tahay dal Madax banaan.

Keith Krach waa sargaalka ugu sareeyo ee waxda arrimaha dibada Maraykanka ee booqasho ku tago jaziiradaani.

Afahayeen u hadlay Wasaaradda difaaca Shiinaha oo lagu magacaabo Ren Guoqiang ayaa Maraykanka ku eedeeyay in ay waddo xad gudub cad taasi oo keeni karto qalalaasa siyaasadeed.

Waxaa uu dhanka kale si kulul ugu hanjabay Maraykanka oo uu sheegay in wixii halkaasi ka yimaado ay masuuliyadiisu leeyihiin waxaa uuni yiri ” Kuwa Ku dheela dabka ayaga ayaa ku gubban doona”

Maraykanka iyo Shiinaha ayaa kamid ah dalalka ugu awooda badan qarnigaan 21-aad ee aan ku jirno waxaa ayna kamid yihiin dalalka leh kimikaalka Nugniyeerka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close