Wararka

Waligaa kuma cidloon doontit dhibaatada…..

Tani waa arrin soo jiidatay dareenka dad badan, iyadoo caalamka uu galay xaalad deg deg ah, dadka oo dhana loogu baaqay in ay guryahooda joogaan cabsi laga qabo faafidda Coronaviruska aawadiis ayaa waxaa timid arrin aan la fileyn oo uu sameeyay mid kamid ah shaqaale ka tirsan xarun tala-siin oo ku taasha Australia oo lagu magacaabo Lifeline Adelaide.

Francesco Forgione oo 23-sano jir ah ayaa go’aan saday in uu wakhtigiisa ku bixiyo in uu la qaybsado dadka uu soo ritay xanuunka coronaviruska oo ku karantiilan qolal cidla ah oo uu siiyo tallo celin maadaamaa uu isaga ku taqasuusay cilmu-nafsiga waxaana mobile kiisa soo waca ku dhawaad 100 ilaa 200 oo ruux oo dalkaasi gudahiisa ah iyo in ka badan 2500 oo ruux caalamka kuwaas oo doonaayo in ay talo ka helaan Francesco.

” Haa, Waxaa ay noqon kartaa Caqabad balse run ahaantii waxaan wakhtigayga ku qiimeeyaa halkaan, waxaan dareemaa mid wax soo saar leh, waxayna ii tahay sharaf weyn inaan aqoontayda dib ugu celiyo Bulshadayda” ayuu yiri Francesco.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close