Wararka
Wafdi sare oo kasocda Puntland oo gaaray Magaalada Qardho.
Wasiirka Maaliyadda Dawlad goboleedka Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka amniga Cabdisamad Maxmed Galan,Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere ,Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Puntland Mahdi Farax Qambi iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Ujeedka safarka masuuliyiintaan ay ugu baxeen Magaalada Qardho ayaa ah safar shaqo oo ku aadan gobolka Karkaar gaar ahaan magaalada Qardho iyo ogaanshaha Ciidamada Daraawiishta ee tabarbarku uga socda Xerada Xorgoble.
Waftiga ayaa markii ay gaareen magaalada Qardho waxaa kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin uu kamid ahaa Xisaabiyaha gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Guundhe.