Wararka

Todobaatan guurada Maalinta Qaranka Shiinaha, Soomaaliya oo sheegtay in ay doonayso xiriir dhaqaale oo xooggan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda Maalinta Dowlada Shiinaha oo ay soo qaban-qaabisay Safaaradda Shiinaha ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda Kowda Oktober oo ah maalintii ay gobonimada heshay dowlada Shiinaha oo lagu qabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta sare ee Soomaaliya oo uu ku jiro Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Agaasimaha Waaxda Asia iyo Austarlia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Suleymaan Cabdi (Koodaar).

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa hoosta-ka-xariiqay kaalinta ay dowlada Shiinaha ee Afrika, isagoo xusay xiriirka qotada dheer ee  u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqaynayso qorshe hanweyn oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale, ganacsi iyo maalgeshi oo lala yeesho dalal kala duwan, si gaar ah Shiinaha, si daaha looga rogo dhowr mashaariic oo horumarineed oo laga sameeyo dhinacyada beeraha, biyaha, tamarka, caafimaadka, warshadaha, waddooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kuwa kale.Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing, suit and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close