Wararka

Tartanka aqrinta  Qur-aanka kariimka oo ay qabaaty warbaahinta Tusmo Media Group oo manta lasoo gabgabeeyay.

Tartankan oo ay ka qeyb galeen 20-tartame oo da’doodu ay ka hoseyso 15-sano ayaa soo bilowday 20-ka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Warbaahinta Tusmo Media Group oo ka kooban Radio Sahal iyo Telefishinka Tusmo  ayaa si toos ah tartankan u tabineysa iyada oo uu taabagaliney Bankiga Salaam oo ka mida bankiyada ku yaalla dalka.

Marxalada kala duwan oo uu soo maray tartankan ayaa ugu danbeyn maanta la soo gabagabeeyay iyadoo ay xaflada gabagabadana ay ka soo qeybgaleen maamulka sare ee warbaahinta Tusmo Media Group, guddiga tartanka, waalidiin iyo tartamayaashii guuleystay.

Sumayo C/Rashiid Caafi ayaa tartankan kaalinta koowaad gashay halka C/waaxid C/laahi Ibraahim uu galay kaalinta 2-aad iyada oo ay kaalinta 3-aadna gashay Sumayo Cumar Xuseen.

Sheikh C/waaxid iyo Sheikh Xaydar oo ka mida guddiga tartanka ayaa ka sheekeeyay marxaladihii u soo maray tartanka.

C/llaahi Ibraahim Isaaq Oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa maamulka TMG uga mahad celiyay qabashada tartankan.

Ugu danbeyn agaasimaha guud ee warbaahinta Tusmo Media Group Ibraahim Maxamed Cali ayaa sheegay in warbaahinta TMG ay diyaar u tahay ku dhiiro galinta dhalinyarada barashada iyo xifdinta qur’aanka kariim isla markaana aya sii wadi doonaan tartamada noocan oo kale ah.

Sanadkii 2-aad oo xiriir ah ayay warbaahinta Tusmo Media Group qabatay tartanka qur’aan akhriska iyada oo ujeedka ugu weyna uu yahay dhiira galinta xifdinta qur’aanka kariimka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close