Wararka

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegtay in uu baxsaday Wasiirkii hore Amniga Jubbaland.

Wasiirkii hore Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa maanta ka baxsaday halkii u ku xirnaa sida ay boggeeda Twitter-ka kusoo qortay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Zakia Hussen.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in heyadaha amniga ku raad joogaan Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) kaas oo loo haysto danbiyo kala duwan.

“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan”. Ayay tiri Gen. Zakia Hussen.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close