Wararka

Wiirk Godax Barre oo ka warbixiyay tayada Macalimiinta dalka.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Abdullahi Godah Barre ayaa maanta ka warbixiyey tayada Macalimiinta dalka kadib imtixaan laga qaaday Bareyaasha oo ka dhacay Gobolada dalka oo idil.

Abdullahi Godah Barre, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in barayaashii ay imtixaanka ka qaadeen ay tayadooda aad u liidatay isagoo sheegay kaliya in ay Macalin noqon karaan barayaasha dhiga dugsiyada Hoose, Dhexe  22% kaliya halka kuwa dhiga dugsiyada Sare ay u qal-maan in ay macalin noqdaan 30%.

“Macalimiintii aan imtixaanka ka qaadnay ee dugsiyada Hoose, Dhexe dhigto, 22% kaliya ayaa macalin u qalmo. Dugsiyada Sare macalimiinta Dhigto imtixaankii aan ka qaadnay wax 30% kaliya u dhigmo ayaa macalin u qalmo” ayuu yiri wasiir  Godah.

Wasiirka waxbarashada ayaa tani u sababeeyay in dalka uu ku jiray xaalada dagaal taasna ay  u suurta galin waysay In dad badani cilmi helaan sidoo kale wasiirka ayaa soo jeediyay in dadaal badan lasameeyo oo kor looqaado tayada macalimiinta.

Wasiir Godax ayaa booriyay dadkii doorka kasoo qaatay in aysan burburin iftiinkii waxbarashada dalka oo intii ay dagaaladii sokeeya socdeen ku mashquul sanaa sare u qaadida tayada waxbarashada dalka isagoo ugu mahadceliyay dadaalkoodii ay ku bixiyeen tayada waxbarashada Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close