Wararka

Tababar dhinaca diblomaasiyadda oo maanta Muqdisho uga furmay howlwadeeno ka tirsan xafiisyada Madaxwaynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo labada gole ee Baarlamaanka.

Tababar dhinaca diblomaasiyadda ah ayaa maanta Magaalada Muqdisho uga furmay howlwadeeno ka tirsan xafiisyada Madaxwaynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo labada gole ee Baarlamaanka waxaana soo aggaasimaya wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Tababarkaan waxaa si wadajir ah ufuray Safiirka dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada,hadal kooban oo ay jeediyeen mas’uuliyiinta labada dhinac ayay shaqaalaha ka qayb-galaayo tababarkaan kula dardaarmeen in ay ka faa’iidaystaan casharada.

tababarkaan waxaa bixinaayo khuburo ka socota dalka Turkiga iyadoo shaqaalaha ka qayb-galay tababarkaan ay qaadanayeen cashara ku saabsan hab-maamuuska madaxda, sida looga shaqeeyo safaaradaha, ilaalinta sharciyada iyo hanaanka loomaro soodhaweynta madaxda heerarka kala duwan.

Qaar kamida shaqaalihii ka qayb galay tababarkaan ayaa soodhaweeyay talaabadaan ay dowlada Turkiga kor ugu qaadayso xirfadooda shaqa iyagoo u mahadceliyay macalimiintii casharada siinaayay.

Sidookale macalin kamida macalimiinta tababarka bixinaysay oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in tababarkaan ay manta u furayn howlwadeeno ka tirsan xafiisyada Madaxwaynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo labada gole ee Baarlamaanka uu yahay kii ugu horeeyay ee dalka guddihiisa ay ku qabtaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close