Wararka

Soomaaliya Oo Ka qeyb gashay kal fadhiga 41aad ee Hey’ada Cunada iyo beeraha aduunka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid  oo jooga dalka Talyaaniga ayaa halkaasi kaga  qaybgalay kalfadhiga 41-aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo Beeraha ee FAO.

Ajandaha kulanka wuxuu ahaa  doorashada Agaasiimaha Guud ee FAO, waxaana loo doortay Dr.Un DJOU oo u dhashay dalka Shiinaha.

Wasiirka waxaa ku wehlinaayay kulanka Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Ambassador Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ahna Wakiilka Soomaliya ee Hayadaha FAO waxaa ayna kulama kala duwan la yeesheen Madaxda Hey’adda IFAD, Wasiiro kala duwan iyo Agaasiimaha Guud ee la doortay waxeyna kala hadleen sidii loo horumarin lahaa Beeraha loona kordhin lahaa wax soo saarka dalka.

Wasiir Saciid Xuseen Ciid oo kulan gaar ah la qaatay madaxa Hey’adda  (IFAD) Gilbert F. Houngbo  ayaa kala hadlay sidii IFAD ay dib ugu bilaabi lahayd maalgalin toosa oo ku saabsan  horumarinta Beeraha Soomaaaiya, waxeyna labada dhinac isku afgarteen in si toosa loo bilaabo qorshe wada hadal oo arrintaasi ku  saabsan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close