Wararka

Shirkadda Isgarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa soo bandhigtay Deeq waxbarasho oo ay ka faa’ideysandoonaan ardayda Soomaaliyeed.

Ujeedka Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa ah in Hormuud telecom ka qayb qaadato kor u qaadidda iyo kobcinta aqoonta ardayda Soomaaliyeed ee dhammeysta dugsiyada sare, deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigtay Hormuud ayaa ah heer jaamacadeed iyadaoo guud ahaan ardayda dhammeysa dugsiyada sare ay ka qayb geli karaan islamarkaana heli karaan deeqdan waxbarasho, ardayada buuxisa shuruudaha ku xiran helidda deeqadan ayaa ah kuwa sida buuxda uga faa’iideysandoona deeqda waxbarasho.

Habka loo qaadanayo ardayda ka faa’iideysaneysa deeqada waxbarasho ee Hormuud ayaa ah imtixaan lagu galayo 11 maaddo kaa soo ay ka qayb gelayaan labada boqol ee arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare iyada oo soddonka arday ee ugu sareysa tiradaas labada boqol ah ay helidoonaan deeqdan waxbarasho ee Hormuud.

Soo bandhigga Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud waxaa ka qaybgalay Wasiiro, Xildhibano, agaasimayaal, gobolka Banaadir, culimo, ganacsato, ururadabulshada iyo marti badan oo kala duwan.

Basma Caamir guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay Barnaamijka deeqada waxbarasho ee Hormuud uu yahay mid muhiimad gaar ahaaneed u leh dadka Soomaaliyeed ayna gobol ahaan dhiirrigelinayaan shaqada iyo howlgalka Hormuud, waxa ay u soojeedisay Hormuud in ardayada aan helin waxbarashada heerka jaamacadda ee ka qalinjebisay dugsiyada sare xilli hore ay muhiimad gaar ahaaneed siiso ardaydaas.

Jawaahir Baarqab oo ku hadashay magaca haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay haween ahaan aad ugu faraxsantahay kaalinta horumarinta waxbarashada iyo soobandhigidda Barnaamijka deeqda waxbarasho oo ay sheegtay in ay door muhiim ah ka qaadandoonto dhiirrigelinta waxbarashada dugsiga illaa jaamacadda.

Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlay magaca bulshada rayidka ayaa ka sheegay munaasabadda in lacagtu aanan ahayn oo keli ah qaadasho balse ay soocelinna ay jirto sidaa awgeedna ay tahay in canshuuraha iyo lacagaha ay qaataan shirkadaha ganacsiguna ay tahay in bulshada dib looguceliyo sida Hormuudba ay sameysay.

Aamaina Xaaji Cilmi oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay soo dhoweyneyso soobandhigidda barnaamijka deeqaha waxbarashada ee Shirkadda Hormuud iyada oo dabatay in sida gabdhuhu ugu horreeyaan waxbarashada ay tahay in ay xagga shaqadana ugu horreeyaan.

Guddoomiye kuxigeenka Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Galaanbe oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in soobandhigidda Barnaamijkani uu kadhiganyahay rajo weyn oo ay helayaan ardayada Soomaaliyeed sidaas awgeedna ay ardayda ka faa’iideysndoonta barnaamijkan ay iyagana waajib kutahay in sida loogu tabcay ay tahay in iyaguna ugutabcaan dalkooda.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa sheegay in Barnaamijka deeqada waxbarasho uumuujinayo rejo iyo yididiilo weyn oo kaalinfiican ka qaadankarta waxbarashada.

Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac taliyaha ciidanka Asluubta ayaa sheegay in marka ay dareemaan culeys soowajahaya tusaale ahaan Asluubta oo kale  ay la xiriiraan Hormuud Foundation, waxa uu codsaday in waxbaridda dhallinyarada xoogbadan la geliyo si looga baaqsado dhibaato ay sameeyaan dhallinyaradu.

Waxa uu sigaar ah u codsaday in dhallinyarada kujirta laamaha kaladuwan ee ciidanka qalabkasida ay hesho waxbarasho isaga oo sheegay in waxbaradda dhallinyaradaasi ay kaalinweyn ka qaadandoonto hagaajinta nabadgelyada iyo in jidadka sifiican loogu shaqeysto.

Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Cabdikariin Kaariye ayaa sheegay in barnaamijkan deeqda waxabrasho uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu taakuleynayo laguna taageeryo dadka iyo dalkaSoomaaliya, isagaoo kahadlayey dhinaca dumarka ayuu sheegay in dhammaan xarumaha waaweyn ee Hormuud ay dumarku ka shaqeeyaan isagaoo xusay in 158 qof oo ah shaqaale ka geeriyooday ama ka duqoobay Hormuud kuwaas oo lagubeddelay  dad ay keensadeen qoyskoodu ay 42 kamid ah ay yihiin dumar.

Cabdikariin Kaariye Guddoomiyaha shirkadda Hormuud ayaa kasheegay munaasabadda in tayeynta iyo hagaajinta jaamacaduhu ay dabooli karto baahida guud ee dhinaca waxbarashada kahaysata guud ahaan dalka.

Faysal Cumar Guuleed wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada oo Hormuud uga mahadceliyey soobandhiggidda barnaamijka deeqaha waxbarashada ayaa sheegay in waxaasarradda waxbarashadu ay kujirto dadaal ballaaran oo dib loogu hagaajinayo waxbarashada, waxa uusheegay in  wasaaraddu diyaarineyso dhismaha guddiga tacliinta sare, taasina ay fududeyndoonto hagaajinta tacliinta sare iyo guud ahaan waxbarashada.

Eng: Cabdi Cashuur Xasan wasiirka WasaaraddaBoostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa sheegay in Hormuud Telecom ay kadhabeysay magaca ay sidato ee Isgaarsiineed isagaoo weydiistay Hormuud in dhallinyaro badan oo hal abuur iyo waxbarasho fiican leh ay la’yihiin meel ay ku soobandhigaan hal-abuurkooda sidaas awgeedna ay u baahanyihiindhismaha meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkeeda, isaga oo kudhiirrigeliyay shirkadaha kale in Hormuud tusaale u noqoto si iyaguna ay kaalintooda u qaataan.

Soo bandhigidda iyo hirgelinta ololayaal nuucaan ah ayaa kaalin libaax ka qaadan kara sidii ay kumanaan arday oo Soomaali ah oo dhammeeyey dugsiga sare balse awoodi waayey qarashka jaamacadda ay kuhelilahaayeen fursad ay ugubiiraan Jaamacadaha.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close