Wararka

Sareeyo Gaas Bashiir Ameeriko oo faahfaahin ka bixiyay qaraxyadii maanta ka dhacay caasimada.

Qaraxyo is xig-xigay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxaayo faaf-faahino dheeri ah iyadoo uu jiro qasaaro uu gaystay qaraxyadaas.

Shir jaraaid uu Ku qabtay xarunta taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeyo Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyadii ugu dambeyay ee ka dhacay muqdisho, taliyaha ayaa sheegay in qaraxa sayidka ay Ku dhinteen Sagaal qof halka ay Ku dhaawacmeen shan iyo labaatan qof oo kale kuwaas oo lagu dabiibaayo Isbitaalada kuyaalo Caasimada.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in qaraxii labaad ee isna ka dhacay meel u dhaw Isgoyska lambar afar agagaarka Hotel Afric, oo ah bar koontorol oo ay joogeen ciidanka amniga uu Ku dhintay wadii gaariga halka uu Ku dhaawacmay mid la socday oo ay ciidanka gacanta Ku dhigeen.

Taliyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u garabtaagan yihiin booliska isagoo ku booriyay in ay sii wadaan shaqada ay hayaan.waxaa kale Sareeyo Gaas Bashiir Cabdi ka hadlay dadka mulkiila yaasha guryaha ah kuwaas oo guryahooda ki raysta in ay ka foojignaadaan dadka ay guryahooda ka kireyniyaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close