Wararka

Raysal wasaare Boris Johnson oo ka hadlay dibadbxayada looga soo hor jeeda Cansuuriyada.

Raysal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson oo ka hadlay dibadbxayada looga soo hor jeeda Cansuuriyada ayaa bartiisa telegraph-ka ku soo qoray fariin uu ku sheegay in aysan jirin cid iska indha tiri karto dibad baxa ay dhigayaan muwaadiniinta Ingiriiska ee looga soo hor jeeda midib takoorka ku salaysan Jinsiga.

“ma jirto cid daneyneeso dalkaan” oo  iska indhatirikarta  dibad-baxyada looga soo horjeedo cunsuriyda oo ka dhashay dilkii loo geystay George Floyd kaasoo ahaa nin madoow Ameerikaan” ayuu ku soo qoray bartiisa telegraph-ka.

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa sidoo kale shaaciyaay in guddi horleh uu u xilsaari doono  arrimaha la xarriira cunsuriyada kuwaas oo u kuurgalaya asbabaha keenay cunsuriyada. Balse  Boris ayaa ka digay in meesha laga saaro taarikhdii hore Boqortooyada Ingiriiska waa haddii la bur burriyo dhamaan taalooyinkii muujinaayo astaamaha cunsuuriyada.

Dhanka kale, Johnson ayaa cambaareyn u jeediyay banaan-baxayaasha midigta fog taabacsan “ kuwaas oo ku luglahaa dibad-baxyadii rabshadaha watay oo dhacay sabtidii lasoo dhaafay , kuwaas oo 100 ruux daraadooda xabsiga loogu taxabay gudaha London.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close