Wararka

Ra’isal wasaare Ku xigeenka XFS oo God dheer ku riday Damicii Kenya. (AKHRISO) Qudbada oo Turjuman.

Ra’isal wasaare Ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guleed Khadar iyo ayaa daahfuray Garnaqsiga dacwadda Soomaaliya ee ay ku doonayso in ay kaga gar baxdo Kenya oo Baddeena nagu qabsatay.

Maxamed Guleed Khadar ayaa ugu horeen Madaxda maxkamadda caddaaladda ugu warbixiyay hor-marada kala duwan ee ay dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed ku talaabsadeen tan iyo 2012-kii.

Ra’isal wasaare Ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Maxkamadda Caddaaladda la wadaagay in Soomaaliya ay isku dayday in khilaafka badda lagu xaliyo si hoose balse Kenya ay door bidda in Maxkamadda caddaaladda la geeyo Kiiskan.

“Waxaan isku daynay in khilaafka nagala dhaxeeyo walaalaheena Kenya lagu xaliyo si walaaltinimo leh, balse waxba kama aysan soo bixin” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guleed Khadar.

Ra’isal wasaare Ku xigeenka oo hadalkiisa sii watta ayaa Yiri ” “Waxaan ka walaacsanahay in Dhagaysiga Dacdawadda aysan Kenya ka soo Hor Muucan. Waxay tahay in Kenya aysan Xushmeyn Xeerarka u yalla Maxkamaddaan”

Mahdi Maxamed Gulleed Khadar ayaa sheegay in Difaacidda badda ay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed u tahay Waajib Qaran.

“Difaacidda Qeeradka Baddeena waxaa ay nootahay Waajib Qaran, waxaan doonaynaa inaan helno Qeeradka dabiiciga ah ee ku jiro Baddeena” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guleed Khadar.

Ra’isal wasaaraha ayaa banaanka soo dhigay Damaca Kenya iyo Mowqifka ay ku dacwoonayso waxaa uuna sheegay in ay Kenya Doonayso in xaduuda badda noqota Line-ka barbar socod dheeraha (Parellel Latitude), taas oo ah wax aan xaq aheen.

“Mudane Madaxweyne, Dacwadda badda ee Kenya, waxaa ay tahay in Xaduudda badda ay dhacayso Line-ka barbar socod dheeraha (Parellel Latitude), taasi wax macquul ma ahan”Mahdi Maxamed Guleed Khadar”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’isal wasaare Ku xigeenka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close