Wararka

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahaan ku sugnaa dalka Cumaan halkaas ooo uu kaga qayb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid ayaa kulan la qaatay Suldaanka cusub ee Cummaan Haysam Bin Daariq.

Kulanka ayaa ka dhacay Qasriga Suldaan Haysam Bin Daariq waxaa uuna madaxweyne Farmaajo Suldaanka la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan murugada geerida Suldaan Qaabuus oo kaalin ka qaatay gurmadka shacabka Soomaaliyeed wakhtigii adkaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Haysam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya dalka Cumaan.

Dhankiisa, Suldaan Haysam Bin Daariq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo qayb-galka tacsidan iyo in maalmahan murugada leh ay garab istaageen shacabka iyo dowladda Cumaan.Image may contain: 5 people, people standing and indoorImage may contain: 3 people, people standing, hat and indoorImage may contain: 3 people, indoorImage may contain: 1 person, wedding and indoorImage may contain: one or more people and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close