Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Guddoomiyihii Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya ayaa ka tacsiyayeeyay Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo maanta ku geeriyooday Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta gobolka Mudug.

“Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba” ayaa lagu yiri War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cambaareeyay falkaani lagu dilay Guddoomiyaha waxaa uuna Allah ugu baryay Janadii Fardowso isagoo ciidamada ku amaanay fashalinta isku dayo amniga liid ku ahaa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close