Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay Isdhex galka geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda fedraalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaay ay Isdhex galka dhagaale iyo ganacsiga ee gobalka geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka waxaa kulankaan ku wehlinaayay wasiirro kamid ah xukuumadda iyadoo shirkaan diiradda lagu saaray sida Soomaaliya ay u diyaarin karto mashaariic dalka faa’iido u leh dalalka geeska Afrikana ay ka faa’iidaysan karaan, maadaama uu jiro dadaal xooggan oo la doonayo in dalalku ka wada faa’iidaystaan is-dhex galka ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa diyaar garoow loogu jiro shir ay yeelanayaan wadamada gobalka oo lagu soo bandhigayo mashaariicda dalalku ay soo diyaariyaan ee faa’iidada u leh dhammaan bulshada gobalka.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan oo qayb ka ahaa wasiirrada shirka ka qayb galay ayaa sheegay in looga tashaday qorshaha ugu haboon ee Soomaaliya ay uga faa’iidayn karto is-dhex galka, wasiirradana la faray in ay ka fakaraan mashaariicda ugu muhiimsan ee lagu soo bandhigayo shirka looga hadlayo is-dhex galka ee dalalka geeska Afrika.Image may contain: 1 person, smiling, sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close