Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo warbixinno ka dhagaystay wasiirka qorshaynta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),  ayaa maanta gormeer shaqo ku booqday xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha isagoo halkaasi kula kulmay  wasiirka wasaaradda Jamaal Maxamed Xasan, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyada.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),  ayaa kormeerka uu maanta wasaaradda ku tagay waxaa uu ugu kuur gelayay wixii wasaaradda ugu qabsoomay ballamadii Ra’iisul Wasaaraha ay la galeen ee ahaa in shaqooyin badan oo qayb ka ah halbeegyada ay ku leedahay Tubaqa Qaranka in sannadkaan 2019 ay ku qabanayaan.

wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ugu warbixiyay shaqooyinka u qabsoomay iyo howlaha qabyada u ah ee ay doonayaan in ay ku qabtaan xilligii loo qorsheeyay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kula dar-daarmay wasiirka, iyo dhammaan agaasimayaasha in ay sii laba jibbaaraan dadaallada shaqada ay hayaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close