Wararka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo dalka jabuuti kaga qayb galaayo shir muhiim ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti,halkaas oo la filayo inay  ugu qayb galaan Shir muhiim ah.

Masuuliyiinta Ra’iisal wasaaraha safarka ku wehlinaayo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre  iyagoo  ka qeyb-gali doona Shirweynaha Waxbarashada Afrika,kaas oo ka furmaya dalka Jabuuti.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb geli Doona Madax badan oo ka socoto wadamada Afrika waxaana wafdiga Ray”sul wasaare kuxigeenka iyo xubnaha la socodo ay bilabeen kulamo ay la yeelanayaan madax ka tirsan Dowladdaha Africa.

Shir weynaha Waxbarshada Afrika ee ka furmaya Jabuuti ayaa inta uu socdo waxa lagu soo bandhigi donaa Heerka waxbarasho ee Dalalka Afrika sidii lagu Hormarin lahaa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close