Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo maanta dalka Turkiga ka furay shirka qurba-joogta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka dhacaya Magaalada Istaanbuul ee Dalka Turkiga.

Shirkaan waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, madaxweynehii hore ee dowladii kumeel gaarka, Sheeq Shariif Sheeq Ahmed iyo qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafacaha caalamka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in qurba joogtu ay Laba jibbaaraan dowrka ay ku leeyihiin dib-u-dhiska Dalka, ganacsiga iyo horumarinta degaanka.

Shirkaan oo ay taabagalisay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa socondoona muddo Afar maalin ah waxaana looga  hadlayaa dib-u-heshiisiinta, ganacsiga iyo arrimaha degaanka waxaana ugu danbeyn la filayaa in laga soo saaro natiijo iyo talooyin kaabaya horumarinta mustaqbalka ummaadda Soomaaliyeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close