Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo sagootiyay Ciidamo loo diyaariyay howlgallada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta sagootiyay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada lagu xaqiijinaayi amniga dalka.

Ciidanka oo tababarka ku qaatay xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in ay dib gacanta dowlada ugu soo celiyaan amniga dalka.

dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka ay ciidanka u baahan yihiin, isagoo sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close