Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo booqasha ku tagay Isbitaalka Erdoğan.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo lagu daweynayo dhaawacyada weerarkii ay dhawaan Al-shabaab ku qaadeen Waddada isku xirta Muqdisho & Afgooye taas oo lala eegtay Injineerrada Turkida ah iyo ciidamada amniga ee ku howlanaa dhismaha waddadaasi.

Ra’iisal wasaaraha ayaa kolkii uu tagay Isbitaalka ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka Isbitaalka Erdoğan iyagoo dhanka kale ugu warbixiyay Xaaladda Dhaacyada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dhawacyada mid mid udul istagay isogona kawareysatay ehelada iyo Takhaatiirta sida ay tahay xaladooda cafimaad.waxa una ilahay ugu baryay in cafimaad u siiyo.isagona sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Dowladda ay si dhaw uga warqabi doonto xaladooda caafimaad.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close