Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo tacsi u diray dhamaan shacbka Soomaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Abwaan Sangub.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa tacsi u diray dhamaan umada soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub.

Ra’iisal waaare Khayre ayaa Alla ugu baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray “إنا لله وإنا إليه راجعون.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub. Waxa uu astaan u ahaa waddaniyadda.Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo” ayuu ra’iisal wasaare Khayre Kusoo qoray Bartiisa Twitter-ka.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise(AbwaanSangub) ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Adis-Ababe ee caasimada dalka Itoobiya isagoo halkaas u joogay dabiib kadib markii ay lasoo daristay xaalad caafimaad darro.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close