Wararka

Ra’iisal wasaaraha dalka oo dhalinyarada ku nool Baydhabo kulan la qaatay.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Khayre ayaa caawo wakhti Magaalada Baydhabo kula qaatay qaar kamid ah dhalinyarada ku nool magaaladaasi.

Kulankaan oo ahaa mid uu ra’iisal wasaaruhu uu ku xog-waraysanaayay dhalinyarada ayaa waxaa ay ugu warbixiyeen aragtidooda ku aaddan xoojinta dowladnimada Soomaaliya iyo sida ay qeyb uga noqon karaan.

Ugu danbeyn Ra’iisal wasaaraha oo kulanka ka warbixiyay ayaa yiri “Waxaan maanta kulan is wareysi ah la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada Baydhaba. Waxa ay ila wadaageen aragtidooda ku aaddan xoojinta dowladnimada Soomaaliya iyo sida ay qeyb uga noqon karaan”

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close