Wararka

Ra’iisal wasaaraha dalka iyo Madaxa hay’adda USAID oo si rasmi ah xafiiska hay’aada ugu furay Muqdisho.

Hay’adda USAID ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa xafiiskeeda si rasmi ah kaga furatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaana munaasabadda lagu furayay xafiiskaas ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda faderaalka Soomaaliya, qaar ka mida golaha wasiiradda, safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khere ayaa soo dhaweeyay in hay’adda USAID ay muddo 30-sano ka dib dib u furato xafiiskeeda Muqdisho.

“waxaan aad ugu faraxanahay inaad aqbashay cusuumidii aan kuugu casuumay inaad nasoo booqato  markaan kuugu imid Maraykanka, waxaa kaloo aan aad uugu faraxsanahay in hay’adda gargaarka Maraykanka in ay maanta halkaan xafiis ka furatay”

Madaxa hay’adda gargaarka Maraykanka Mark Green, ayaa isna dhankiisa u mahadceliyay Ra’iisal wasaaraha dalka waxaa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in hay’adda USAID dib xafiiskeeda looga fura dalka ku dhawaad muddo 30-sano ka dib.

“Aad baad u mahadsan tahay mudane ra’iisul wasaare sida aad nagu marti galisay soomaaliya ,Maanta waa maalin muhiim uu ah xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo  Mareykanka, Waxaan si rasmi ah u furayaa xafiiska hay’adda USAID ee Muqdisho”. Ayuu yiri Mark Green.

Mark Green ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda u muuqato mid la aamini karo Isagoo sheegay in xafiiska hay’adda in la fura ay ka danbeysay dadaalka ay muu jiyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada waxaa uuna ku dhawaaqay in uu Soomaaliya ay ugu gargaari doonaan lacag gaarayso 185-m oo doolar taas oo wax looga qabanayo xaaladaha bini’aadanimo sida cuntada iyo adeegyada Caafimaadka.

“Kani waa xafiiskii ugu horeeyay ee laga furo Soomaaliya ku dhawaad 30-sano ka dib, Wadashaqeyntaan  keliya ma ahan xiriirka labadeena dowladood balse waa horumarka ay gaartay Soomaaliya, Waxa aynu xafiiskan u furnay shacabka Soomaaliyeed iyo hogaankooda oo na tusay wada shaqeyn wanaagsan  kuwaas oo nagu qanciyay  firfircoonidooda isla markaana mustaqbalka la aamini karo, Maanta waxaan ku dhawaaqaya 185m$ oo kaalmo bini’aadanimo ah taas oo loo isticmaalayo  cuntada, biyaha iyo adeegayada caafimaadka”.ayuu yiri Mark Green.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close